Saturday, 13 April 2019 18:10

DAAWO: Hogaamihaya Cusub Ee Dalka Suudan Cabdifataax Al-burhaan Oo La Hadlay Shacabka Suudaan Iyo Qodobo Muhiim Ah Oo Uu Ku Dhawaaqay

13/04/2019(BNN) Dalka Suudaan waxaa ka dhacay Isabadalo kadib markii uu meesha ka baxay Madaxwayne Cumar Xasan Albashiir, Iyadoona Hogaamiyii Badalay oo Hal Maalin Xukunka hayey uu ku dhowaaqay inuu Iscasilay.

Hogaamiyaha Cusub ee Tallada dalka Suudaan loo dhiibay Cabdifataax Al-burhaan gudoomiyaha golaha malatariga ku meelgaadhka ah ayaa ka akhriyey tilifayshanka qaranka Suudaan war-murtiyeedkii 3aad oo golahaas, waxaana ugu muhiimsanaa qodobadan:

1-Laalista qaanuunka xaaladdii degdegga ahayd iyo badndowgii.

2-Siidaynta dhammaan maxaabiistii loo xidhya banaanbaxyada ka dhanka ahaa taliskii Albashiir

3-Golaha malatariga oo gacanta ku hayn doona talada dalka Suudaan muddo 2 sanadood oo ku meel gaadh ah kaddibna ay ku wareejin doonaan xukuumad rayid ah.

4-Xabbad joojin guud ahaan dalka Suudaan oo dhan .

5-soo qabashada iyo maxkamadaynta kuwii ka dambeeyey laynta shacabka.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree