Sunday, 14 April 2019 09:58

Somaliland Oo Ogalaatay In Ay Dadka Muqdisho Tegayi Ka Duulan Garoonka Diyaaradaha Ee Hargaysa Oo Ay Hore U Mamnuucaday Ka Dib Markii Uu Garoonka Garoowe Suuqiisu Cirka Galay

14/04/2019(BNN) Bishii April ee sannadkii 2018kii ayay ahayd markii ay Somaliland joojiso in bilaa Baasaboor loogu dhoofo Muqdisho, isla markaana ay joojisay Go-Homeka. Wakhtigaasi ayaa waxaa taagnayd xiisaddii ka dhalatay shirkadda DP World oo la wareegtay dekedda Berbera.

Muddadii la joojiyay Go-Homeka, waxaa hawada ka baxay, ku dhawaad afar diyaaraddood, oo u kala gooshi jiray Muqdisho iyo Hargeysa.

Sidoo kale, waxaa muddadaasi uu hoos u dhac ku yimid, duullimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo dadka reer Somaliland ee aan haysan Baasaboor ay ka dhoofi jireen, garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe - taasi oo kor u qaaday suuqa duulimaadyada ee garoonka Garoowe

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree