Monday, 15 April 2019 09:03

Hogaanka Cusub Ee Dalka Suudaan Oo Shaaca Ka Qaaday In Xabsiga Loo Taxaabayo Xubno Ka Tirsan Xukuumadii Madaxwayne Cumar Al Bashiir Iyo Waxyaabaha Loo Haysto

15/04/2019(BNN) Golaha cusub ee militariga Sudan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xabsiga loo taxaabay xubno muhim ah oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen musuqmaasuq dhacay xilligii dowladii Cumar Al-Bashiir.

Xubnahani ayaa wajihi doona dacwado ay ku soo oogaan maxkamadaha dalkaasi.

Af-hayeen golaha militariga ee dalkaasi ka arimiya Shams Ad-din Shanto, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay waxaa uu ku sheegay in isbadal lagu sameeyay hoggaanka ciidamada.

Mr Shanto ayaa xusay in taliyayaal cusub loo magacaabay militariga,sirdoonka iyo Booliiska dalkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in dhowr ah hay'adaha dowladda dib u habayn lagu samayn doono.

Mar sii horeysay militariga ayaa waxay kulan la qaateen wakiilo ka kala socday xisbiyada siyaasadda iyo ururada si looga wadaxaajoodo xalka dhibaatada Sudan.
Afhayeen u hadlay golaha militariga Yassir al-Ata, ayaa dhankiisa sheegay in kulamadani looga gol lahaa sidii la isugu afgaran lahaa ra'isul wasaare madaxbanaan loona dhisi lahaa hanaan lagu maamulo dalka xilliga kala guurka.

Qabanqaabiyayaasha dibadbaxyada dalkaasi ka socday muddada 4 biloo
Dhanka kale golaha militariga ee kumeelgaarka ah ee dalka Sudan ayaa waxay xayiraadii ka qaadeen warbaahinta iyo saxafiyiinta ajnabiga ah taasi oo horey loogu soo rogay.

Bayaan ay soo saareen golaha ayaa waxaa lagu sheegay in warbaahinta iyo wariyayaasha caalamiga ah ay xor u yihiin inay ka howlgalaan gudaha Sudan.

Wasaarada warfaafinta ayaa sido kale bayaankeed lagu sheegay in la soo afjaray faaf-reebkii lagu samayn jiray warbaahinta maxaliga ah oo ay ka mid yihiin wargaysyada dalkaasi.

Dibadbaxyada ayaa soconaya walow xilkii laga tuuray madaxweynihii dalkaasi mudada dheer maamulayay Cumar Xasan al-Bashiir.

Mudaaharaadayaasha ayaa waxa ay dalbadeen in si dhaqsiyaha xukunka loogu wareejiyo dadka rayidka ah iyo inay sii joogi doonaan waddooy

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree