Monday, 15 April 2019 12:54

Dawlada Shiinaha Oo Shaacisay In Ay Kor U Qaadayso Taageerada Ay Siiso Dawlada Fadaraalka Somaliya Iyo Safiirka Shiinaha Ee Somaliya Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Labada Dal

15/04/2019(BNN) Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay SONNA ayaa ka hadlay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal,Ganacsiga,mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyay Soomaaliya,horumarada la gaaray iyo arrimo kale oo badan.

Mr. Qin Jian: ayaa marka hore wareysigiisa ku sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay leeyihiin xidhiidh saaxiibtimo in ka badan 600 sano ka hor,wuxuuna sheegay in caasimadda Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar ganacsi oo la taaban karo.

“Tan iyo markii dhidibada loo taagay xidhiidhkii diblomaasiyadeed 1960-kii, xidhiidhkeenu wuu sii adkaanayay lana jaan qaadayay hadba isbeddelada markaasi jira,waxaan gaarnay natiijooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada,cayaaraha, tiknoolajiyada, daryeelka caafimaadka iyo waxyaabo kale oo badan. Laga soo bilaabo 1960 ilaa 1991, Dawladda Shiinaha waxay 89 mashruuc ka fulisay Soomaaliya oo ilaa iyo hadda laga xusi karo Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Mogdisho,Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo Tiyaartarka Qaranka,kuwaas oo marqaati u ah xiriirka Saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha,” ayuu yidhi Safiirka Shiinaha.

Sidoo kale, Dowladda Shiinaha waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay taageerada Soomaaliya,iyadoo mashaariic horumarineed ka fulisay Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladiisa si adag u taageertay nabada,horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya,isagoona hadalkiisa intaa ku daray iney kaalin firfircoon ka qaateen taageerada arrimaha bini-adanimada Soomaaliya sida cunada,nafaqada,bixinta Teendhooyin,mara Kaneeco iyo bixinta lacagaha gargaarka deg deg ah ee loo baahan yahay.

Dhanka kale, Mr. Qin Jian ayaa ka hadlay mudada uu joogo xafiiskiisa Soomaaliya Horumarka uu gaaray iyo caqabadaha ka horyimid, wuxuuna Yiri”Waxaan joogaa Soomaaliya muddo ka badan laba sano. Waxaan dareemayaa in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad aad isu jecel dadkana jecel,waxay jecel yihiin nabadda, waxayna rajeynayaan nolol wanaagsan, waa dad si adag u shaqeeya, rajadoodana tahay horumarka iyo barwaaqada dalkooda, si la mid ah dadka Shiinaha marwalba waxay yihiin dad jecel nabadda.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa dhowaan waxay heshiis ku kala saxiixdeen Madashii Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC),kaas oo ahmiyad u leh hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, fududeynayana isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree