Monday, 15 April 2019 12:55

Sadex Qof Oo Maanta Lagu Dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Magaalada Muqdisho Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dilalka Loo Gaystay Dadkaasi

15/04/2019 /BNN/  Ugu yaraan saddex qof ayaa xalay lagu dilay degaanka Ceelasha Biyaha oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ee Koofurta Soomaaliya .

Dilkan ayaa dhacay markii saddexda qof ee la dilay gaari ay la socdeen lagu horjaray Gaari kale, rasaasna lagu furay halkaas oo ay ku wada geeriyoodeen.

Toogashada ayaa ka dhacday isgoyska Ceelasha halka loo yaqaanno,waxaana ilaa hadda aan la aqoonsan dadka la toogtay.

Ciidamada Booliska eek u sugan Ceelasha Biyaha ayaa meydka saddexda qof saaka ka qaaday goobta, iyaga oo geeyay saldhigga halkaas oo lagu sugayo ehelkooda.

Degaanka Ceelasha ayaa waxaa toodbaadkii hore lagu dilay Saddex Askari markii ay dabley hubeysan Baskoolad ku weerareen gudaha Suuqa Ceelasha xilli ay Canshuur qaadayeen.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree