Monday, 15 April 2019 13:08

Diyaarada Ku Burburtay Mid Ka Mid Ah Garoomada Diyaaradaha Ee Ugu Halista Badan Caalamka Iyo Khasaare Dhimasho Oo Ka Dhacay Burburkaasi

15/04/2019(BNN) Saddex ruux ayaa ku dhimatay diyaarad ku burburtay dalka Nepal, waxaana loo arkaa in garoonka uu shilkaasi ka dhacay uu ka mid yahay garoomada diyaaradaha ee ugu halis badan adduunka oo dhan.

Diyaaradda ayaa ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Lukla Airport waxayna ku dhacday diyaarad kale.

Dhabaha ay diyaaraduhu ku ordan ayaa yar waxaana ku hareeraysan buuro, taas ayaana adkaysa in diyaaraduhu dagaan ama duulaan.

Duuliyihii diyaaradda iyo labo askari oo booliis ah oo waddada diyaaradda ka ag dhawaa ayaa geeriyooday, saddex ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray.

Labada diyaaradoodba waxaa lahaa shirkado gobolka Everest geeya dadka buuraha kora, dalxiiseyaasha iyo dadka deegaanka.

Ma cadda waxa sababay shilka Sabtidii, masuuliyiintuna waxay sheegeen in cimiladu ay wanaagsanayd duulimaadyaduna ay sidii caadiga ahaa u sii socdeen shilka ka dib.

Bikram Raj Bhandari oo goob jooge ahaa ayaa BBC-da ku yiri “qarax ayaa meel iga durugsan ka maqlay, dhanka garoonka ayaana u cararay si aan u arko waxa dhacay, qiiq ayaana aagii oo dhan qabsaday.”

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree