Borama News Network

100 Qof Oo Ku Dhintay Daadad Xoogan Oo Ka Dhashay Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Dalka Brazil

Roobab mahiigaan ah iyo daadad xoog leh oo ku dhuftay gobolka Rio Grande do Sul ee koofurta Brazil ayaa sababay, dhimashada ugu yaraan 100 ruux, halka 128 kalana wali la la’yahay sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

Fatahaadda oo billaabatay todobaadki hore ayaa burburiyay jidadka waaweyn iyo buundooyinka gobolka Rio Grande do Sul, oo ku yaalla xadka ay Brazil la leedahay dalalka Uruguay iyo Argentina.

Waaxda Difaaca Madaniga ah ee gobolka ayaa sheegtay in ugu yaraan 128 qof lagu la’yahay daadadka, gaar ahaan dadka ku nool agagaarka magaalada caasimadda u ah gobolka ay fatahaaddu aafeysay ee Porto Alegre.

Xarunta qaran ee masiibooyinka Brazil ayaa Arbacadi ka digtay in roobab kale iyo daadad hor leh ay kusoo wajahanyihiin dhinaca koofureed ee gobolka Rio Grande do Sul oo ah gobol ay ku noolyihiin in ka badan 1.3 milyan oo ruux.

Related posts

Dagaal Ka Qarxa Qaarada Yurub Oo Laga Casi Qabo Iyo Gaashanbuurta NATO Oo Diyaar Galay Ugu Jirta Dagaalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Cabdiraxman Ciro Oo Maanta Safarkiisii Ugu Horeeyay Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Abdiaziz Bnnstaff

Aniga Faan Bay Ii Tahay In Ay Soo Baxaan Sadex Nin Oo Habarjeclo Ahi” Boqor Buur Madaw

Abdiaziz Bnnstaff