Borama News Network

Xisbullah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay saldhigga Ein Shemer ee Israa’iil

Xisbullah ayaa sheegtay inay fuliyeen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen qaar kamid ah ciidanka Israa’iil ee fariisinta ka dhigtay saldhigga Ein Shemer, oo ku yaala bariga magaalada Hadera.

Weerarka ayay sheegeen inay fuliyeen fiidnimadii jimcihii shalay ahaa, iyagoona sheegtay inay saldhigga ku weerareen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa ay intaa hadalka ku dareen in ay weerarkaan uga jawaabayeen gantaallo iyo duqeymo ay Israa’iil ka fulisay gudaha Lubnaan.

Xisbullah ayaa sidoo kale howlgalkaan ku tilmaamtay inuu kamid yahay kuwa is daba joogga ah ee ay ku weerarayaan Israa’iil, waxa ayna sheegeen inuu qeyb ka yahay “howlgalka Khaybar” kaas oo ka dhan ah xasuuqa ay Israa’iil ka waddo gudaha Lubnaan sida ay sheegeen.

Dhanka kale Xisbullah ayaa sheegtay inay fulisay howlgallo noocaan oo kale ah oo loo adeegsaday gantaallo gaar ah oo lala beegsaday magaalada Haifa, bayaan ay soo saareen ayayna ku sheegeen in gantaalada ay la beegsadeen Al-Karyut oo ku taalla waqooyiga magaalada Haifa.
Bayaanka Xisbullah ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerar gantaalo ah loo adeegsaday diyaarado Israa’iil ay leedahay oo howlgallo ka fulinayay hawada Lubnaan, gantaallo lagu weerarayna ay sababeen inay isaga laabtaan hawada.

Askarta Israa’iil ee isugu imaanayay Aita al-Shaab, Kfarkila iyo Shlomi, ayay sidoo kale sheegeen inay weerarro ku qaadeen ayna sababeen inay dib u gurtaan oo ay howlgallada sii wadi waayaan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay qabteen labo diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ka yimid dhanka Lubnaan, iyagoona xusay inay ka jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.

Ciidanka Israa’iil waxa ay sheegeen inay gantaallo ku weerareen sandhigyo ay leeyihiin Xisbullah, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo laga soo abaabulayay weerarada lagu qaado Israa’iil.

Israa’iil ayaa duqeymo circa ah ka fulisay deegaano ka tirsan koonfurta Lubnaan Jimcihii shalay, waxaana kamid ah goobaha ay bartilmaameedsatay magaalooyinka Kafra, Majdal Zoun, Anqoun, Ma’roub, iyo koonfurta Taraya, sida ay ku dhawaaqday wakaaladda wararka Lubnaan

Related posts

Ilaahay Ha Iga Modoobeeyo Fanka Habeen kaliya Kuma Seexan In Aan Fanka Ku Sii Jiro ” Najma Nashaad

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaal Xoogan Oo Xamaas Iyo Isreal Ku Dhex Maray Woqooyiga Magaalada Gaza

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Amar Ku Bixisay In Deg Deg Loo Sii Daayo Xildhibaan Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff