Borama News Network

12 Qod Oo Ku Dhaawacmay Diyaarada Qadar Airways Oo Cilad Farsamo Hawada Sare Ku Haleeshay

12 qof ayuu dhaawac soo gaaray kaddib markii diyaaradooda oo ka timid Dooxa kuna socotay Dublin ay aad u ruxantay.

Duulimaadka oo tirsigiisu ahaa787-9 dreamliner ee Qatar Airways ayaa ruxan la kulmay markii ay dulmareysay Turkiga sidaasina waxaa sheegay garoonka diyaaradaha ee Dublin.

Kooxaha gurmadka degdegga ayaa garoonka uga hortagay diyaaradda markii ay soo degtay.

Lix ka mid ah rakaabka diyaaradda iyo lix kale oo shaqaalaha diyaaradda ahaa ayaa dhaawacmay. Sideed ka mid ah waxaa loo qaaday isbitaalka.

Rakaabka diyaaradda la socday ayaa sheegay in diyaaradda ay noqotay sida in ay dhaceyso ilaa 20 ilbiriqsi xilli dadka la siinayay cuntada iyo cabitaanka.

Qatar Airways waxay BBC-da u sheegtay in tiro yar oo rakaabka ka mid ah iyo shaqaalaha ay dhaawacyo fudud soo gaareen.

Dhacdadan ayaa timid kaddib markii nin u dhashay Britain oo 73 jir ah uu ku dhintay duulimaadkii Singapore horaantii toddobaadkan kaas oo sidan oo kale diyaaradda ay la kulantay ruxan.

Related posts

Daawo: Maxamed Bk Oo Su’aal Cajiib Ah Waydiiyay Sheekh Dirir Iyo Jawaabta Sheekha

Muusaw Dalkii Cune Ha Noqon” Odayaasha Beesha Bahabar Celi Ka Soo Horjeestay Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka cusub ee Suuriya oo dagaal-yahannada Islaamiyiinta ee ajnabiga u magacaabay xilal sare

Abdiaziz Bnnstaff