Qaar ka mid ah degmooyinka tirsan gobollada Baay iyo Bakool oo in ka badan 13 sano ay saarnayd xanibaad dhanka dhulka oo ay ku soo rogayn Al-Shababaab ayaa waxaa la soo warinayaa in laga qaaday xayiraadaas kadib dadaallo ay sameeyeen dadka deegaanka oo ay ugu horreeyaan ganacstada.
Degmooyinka kala ah Xudur, Waajid, Diinsoor, iyo Qansaxdheere oo ka wada tirsan gobollada Baay iyo Bakool kuwaas oo hoosyimaada maamulka Koonfur Galbeed ayaa muddo saarnayd xayiraad dhulka oo ay Al-Shabaab saareen 13 sanno ka hor.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo muuqaalkiisa lagu baahiyey baraha bulshada ayaa yiri sida tan, “Degmada Qansaxdheere mudo ayay go’doon ku jirtay, Ilaahay ayaa mahad iska leh oo naga dul qaaday xayiraadii 13 sano ka badan nasaarneyd.”
Weli dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed kama hadal xayiraadda laga qaaday magaalooyinkaan oo muddo u xayirnaa Al-Shabaab, kuwaas oo diiday in la’isaga goosho, taas oo sababtay hoos u dhac dhaqaale.