Borama News Network

USAID oo qiratay in ay $40 Milyan oo doollar siisay Kooxo ay kamid yihiin AS

Hay’adda Kaalmada Maraykanka u qaabilsan ee USAID ayaa qiratay in ay lacag ku taageertay Kooxo kala duwan oo Dowladdaas u aqoonsan tahay in ay yihiin waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ isla markaana hoggaanka lacag badan dul dhigtay.

Magacyada Kooxahaan oo Hay’addu Xustay waxaa kamid ah: Xamaas, Al-Shabaab, Taalibaan iyo kuwo kale oo Maraykanku uu ku bixiyay lacago badan sidii hoggaankooda loogu dili lahaa weerarro toos ah iyo duqeymo culus.

 

Golaha Congress-ka oo su’aalo weydiiyay mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Taakulada Dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID maadaama Madaxweyne Donald Trump uu ka xayiray kaalmadii ay fidin jirtay ayaa dhinacyo kala duwan ka su’aalay.

 

Waxyaabaha sida tooska ah lo weydiiyay waxaa kamid ah in ay taakulo siiyeen ‘AS’ iyada oo Agaasimaha Fulinta ee USAID Gregg Roman uu isla markiiba ku warceliyay in ay jirto taageerradaas ay siiyeen ‘AS’ iyo kooxo kale oo ka aasaasan Suudaan, Suuriya & Kuwo kale.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii dib loo doortay waxa uu qaaday tallaabo ka dhan ah shaqadii Hay’adda USAID oo waxa uu ka joojiyay kaalmadii dibadda ay siin jirtay waddamada Caalamka, keliya waxa uu kusoo reebay Taakulada Israa’iil.

Marar badan waxaa jiray warbixinno kala duwan oo lasoo gudbiyay oo muujinaya in Hay’adda USAID ay ku milantay siyaasadda Dalalka Rabshadaha ka jiraan iyada oo bixinta caawinaddooda ku dhex qarsada danahooda gaarka ah.

Related posts

Madaxweynaha Maraykanka Oo Digniin Iiraan U Diray Xilli Laga Cabsi Qabo In Ay Aargudato.

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaal Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Kismaayo iyo Mucaaridka Oo Madaxweyne Cusub doortay

Abdiaziz Bnnstaff

Sharcigaanu La Tiigsanayna Raga Dilaaliinta Ah Ee Warqada Siciid Sulub Kursiga Ku Xil Ilkacase

Abdiaziz Bnnstaff