Borama News Network

16 dalxiisayaal ah ayaa la la’ayahay kaddib markii doontooda ku degtay Badda Cas

Dowladda Masar ayaa sheegtay in 16 qof oo ay ku jiraan shisheeye la la’yahay. Waxay kaloo sheegeen madaxda in 28 la soo badbaadiyay kaddib markii doontii ay la socdeen dalxiisayaasha ay ku degtay Badda Cas.

Doonta waxaa saarnaa 44 qof oo saddex ka mid ah ahaayeen shaqaale

Labo ka mid ah dadka la la’ayahay sida ay BBC-da ogaatay ayaa u dhashay Britain. Finland waxay xaqiijisay in qof dalkeeda u dhashay la la’ayahay.

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen afar qof oo u dhashay Masar in la la’ayahay.

Safaaradda Shiinaha ee Masar waxay xaqiijisay in labo qof oo dalkeeda u dhashay ay caafimaad qabaan kaddib markii la soo badbaadiyay sida ay soo warisay waakaladda wararka ee AFP.

Mas’uuliyiintu ma sheegin sababta shilka keentay balse waxay ku tilmaameen in mowjadaha badda ay doonta ku dhufteen sidaasina ay ku degtay.

Kooxaha saadaaliya cimilada ayaa ka digay in badda la galo Axadda iyo Isniintii.

Sida ay mas’uuliyiinta sheegeen doonta waxay ka baxday Marsa Alam oo ah meel caan ku ah dalxiisaka, waxaana ku hareereysan meelo la quuso

Related posts

“Dadkeena waxaynu Dulminay 34 Sanno,Somalia iyo Jabuutina way inoo heshiiyeen Xadkeeniina Burco Ayuu Marayaa” Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

“Xeerka Waxba Kamaanu badalin” Golaha Guurtida Somaliland Oo Wali Ku Rafanaya Xeerka Doorashooyinka

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Xogihii Ugu Dambeeyay Ee Hishiiskii Dhex Maray Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff