Borama News Network
Somali News

Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Ka Soo Horjeestay Liiska Odayaasha Soo Xulaya Baarlamaanka Jubaland Ee Dhawaan La Shaaciyay

ukuumadda Soomaaliya ayaa ka hortimid liiska odayaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulaya xildhibaanada maamulkaas, kaas oo maalin ka hor ay soo saareen guddiga madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in liiska Magacyada Odayaasha la soo saaray aysan aheyn kuwii saxda ahaa,sidoo kalena musharixiinta aysan sidiiwaangelin Karin ilaa la soo xulo Xildhibaannada.

Sidoo kale Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland kala Shaqeyso diyaarinta Odayaashii saxda ahaa ee u diiwan gashay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa ka digtay dhibaatada ka imaan karto hadii la guda-galo soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyada oo aan si sax ah loo marina ma la saxin liiska Odayaasha Dhaqanka.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafaadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Related posts

DEG DEG: Baarlamaanka Somaliland Oo Laalay Mooshonkii Heshiiska Sadexda Xisbi Iyo Xildhibaano Ka Hadlay Mooshinka La Laalay

Bnnstaff Bnnstaff

DEG DEG: Xukuumada Madaxwayne Biixi Oo Xabsiga Ku Gurtay Wariyayaal Ka Hawl Gala Telefishanka Eryal Ee Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Odayaasha Boocame Oo Ka Digey Deegaameyta Puntland Ee Kaantaroolka Bixin La Keenay

Amiin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy