Borama News Network
Somali News

Dawladaha Somaliya Iyo Talyaaniga Oo Kala Sexeexday Heshiis Cusub Oo Dhanka Milatariga Ah + SAWIRO

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa labada dhinac wada shaqeyn dhawna u yeelan lahaayeen ciidamada labada wadan gaar ahaan kuwa Milatariga.

Taliyaha ciidanka xooga Dalka Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe)ayaa magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga kula kulmay taliyaasha ugu sareeya ciidanka Milatariga Talyaaniga.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ay Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha taageera ciidakada dowlada Soomaaliya, waxaana Talyaaniga magaalada Muqdisho ka jooga saraakiil iyo ciidamo gacan siiya ciidanka milatariga Soomaaliya.

Related posts

150 Tahriibayaal ah Oo Ku Geeriyooday Bada Talyaaniga Iyo Inka Badan160 Oo Dib Loogu Celiyay Libya

Mustafe Haji

Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Ay Talaabo Ka Qaadi Doonto Shirkado Ay Sheegtay In Ay Dayeceen Xujaajta Somaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Suldaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland Ugu Baaqay In Uu Raali Galin Ka Bixiyo Hadkii Uu Ku Maagay Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy