Borama News Network
Somali News

Maydka Nin La La’aa Mudo10 Sano Ah Oo La Helay Iyo Goobta Laga Helay Maydkaasi

Booliska ayaa sheegay in meydka ninka oo ilaa 2009-kii lala’aa laga helay firinjeer hoostii oo yaalay goob laga dukaamaysto oo haatan xiran, haalkaas oo uu ninkan horay uga shaqayn jiray.

Baarayaasha ayaa sheegay in Larry Ely Murillo-Moncada, oo 25 sano jir ahaa ay u muuqatay in uu si ula kac ah firinjeerka u dhex-galy.

Baarayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay u badan tahay in colcolaaddiisii uu ku codsanayay caawinaadda ay qarisay dhawaqa ka soo baxayay firinjeerada.

Meydkiisa ayaa waxaa bishii Janaayo laga helay baqaarka oo in ka yar hal meel u jira halkii uu ku noolaa, balse jirkiisa aad ayuu u googo’ay oo xitaa waala garan waayay ilaa toddobaadkii tagay ka dib markii la baaray.

”Way adagtahay in kiisaska noocaan oo kale ah aad maqasho, dadka qaar waxaa meydkooda laga helaa darbiyada dhex-dooda,” ayuu yiri Sgt Danielson oo markii ugu horreysay kiiskaan loo xilsaaray sannadkii 2009-kii.

“Markastaa waxaanu aragnaa kiisas ku saabsan dad la la’yahay, laakiinse kiiskan waa mid ka duwan kuwii hore,” sidaas ayuu Isniintii u sheegay KETV oo ku taalla Nebraska.
Murillo-Moncada waxaa maqnaanshiyihiisa booliska lagu wargeliyay maalin uun ka dib markii la waayay.

”Waxaa uu ka tagay furayaashiisa iyo gaarigiisaba,” waalidiintiisa ayaa sidaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah, ka dib markii la waayay.

“Wuxuu maqlayay codad dhahayay ‘sokor cun,’ ”ayay tiri hooyadii sannadkii 2009-kii.

“Waxuu dareemay wadno garaac aad u xooggan marka waxuu ku fakaray haddii uu sokor cuno, in uu wadna garaaca ka yaraanaya.”

Meydkiisa ayaa waxaa helay fuundiyo fur-furayay iskafaalaha dukaankaasi.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

” Kulmiye Wuu Ku Guulaystay In Uu Burburiyo Heshiiskii Xisbiyada ” Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Ucid Iyo Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO : Shacabka Ku Nool Magaalada Baydhabo Oo Lagu Soo Rogay Amaro Culus Iyo Sobobta Ka Dambaysa

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliya Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Eedaysanayaa Lagu Soo Eedeeyay Argagixiso

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy