Borama News Network
Somali News

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ciidamo Dheeraad Ah Gaysay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Saan Oo Lagu Sheegay Jabhada Caare

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Soomaaliland saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamo farabadan geysay deegaano hoostaga Magaalada Ceerigaabo.

Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo laga kala qaaday deegaannada Tukaraq & Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in la geeyay Buuraleyda Ceerigaabo oo meel u dhow ay saldhig ka sameesteen Ciidamo uu wato Korneel Caare oo horay uga goostay Ciidamada Soomaaliland.
Ciidamada la geeyay duleedka Ceerigaabo ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha Ciidamada RRU ee Soomaliland,waxaana Maanta lagu soo waramayaa inay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Korneel Caare oo dhowr mar Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu weerari doono deegaannada Soomaaliland,hayeeshee Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Sool ayaa maalmahan dhex dhexaadin ka dhex waday Korneel Caare iyo Madaxda Soomaaliland.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga Soomaaliland weli kama hadlin u jeedka Ciidamada ay deegaankaasi u geeyeen,,waxaana xusid mudan in deegaano ka tirsan gobolka Sool ay ka jirto xiisad u dhaxeyso Puntland & Soomaaliland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

California: Dad Gaadhaya Ilaa 12 Qof Oo Ku Dhaawacmay Toogasho Loo Gaystay Dad Shacab Ah Daawo Siday Wax Dheceen

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg: Ciidamo Ka Amar Qaata Axmed Madoobe Oo La Wareegay Amniga Kismaayo Iyo Murashaxiintii Oo Ka Cararay Kismaayo

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Xukuumada Madaxwayne Biixi Oo Ka Hadashay Saami Qaybsiga Baarlamaanka Fariina U Dirtay Xildhibaanada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy