Borama News Network
Somali News

Gudoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiintii Qaraxa Ku Dhaawacmay Oo Dalka Dibadiisa Loo Qaaday Maanta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo masuuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii shalay  ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Waxaa la filayaa in  saacadaha soo socda Caafimaad dibada ah loo qaado.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in laba jeer uu qaliin ku maray Isbitaalka Urdugan Ex Digfeer,waxaana la sheegay in dhaawiciisa uu yahay mid culus,islamarkaana dhaqaatiirta Isbitaalka ay la tacaalayaan.

Diyaarad ka timid dalka Qatar ayaa  saakay lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ka qaado dhaawaca Guddoomiyaha gobalka banaadir iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid tahay Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey.

Qaraxii shalay ka dhacay hoolka xarunta dowladda hoose ee xamar ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen masuuliyiin ay ka mid yihiin  Gudoomiyihii degmada Waaberi Mahad Cilmi, Gudoomiyihii Degmada C/casiis, Safiya C/laahi Asad, Agaasimihii Nadaafada Gobolka Banadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdulahi Dheere iyo xubno kale.

Sidoo kale masuuliyiintii ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, Gudoomiyayaha Warta-Nabada, Gudoomiyaha Xamarweyne, iyo Agaasimaha Xiriirka degmooyinka Dhega Cadde

Related posts

Raysal Wasaaraha Yuhuuda Oo Ilhaan Cumar Iyo Rashiida Ka Mumnuucay In Ay Soo Booqdaan Magaalada Gaza

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Aadan Bare Ducaale Oo Uhuro Kenya Kula Taliyay In Uu Xeelad Cusub U Adeegsado Bada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Kadis Ah Ku Tegay Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy