Borama News Network
Somali News

Maamulada Puntland Iyo Galmudug Oo Si Kulul U Cambaareeyay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa tacsi u diray Ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabka Gobolka Banaadir waxa uuna uga tacsiyeeyay arinta argagaxa leh ee shalayka dhacday xarunta Gobolka Banaadir halkaas oo uu ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa Madaxweynahu si gaar ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii dadkii ku naf waayay weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir,waxa uuna alle uga baryay in uu caafimaad taam ah siiyo inta dhaawaca ah.

Dhinaca kale War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay,iyada oo inta u dhaawacantay caafimaad loo rajeeyay.

“Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Goleyaasha Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida walaalaha Soomaaliyeed ee ku nafwaayey qaraxaasi, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabkii iyo masuuliyiintii dowladda ayaa lagu yiri Waka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland”.

Siyaasiyiin hore,Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxaa ay si kulul u cambaareeyeen qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku geeriyoodeen Guddoomiyeyaal & Agaasimeyaal ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Buuraha Taariikhiga Ah Ee Laasgeel Iyo Dalxiisayaal Ku Sii Qulqulaya

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Kulanka Madaxweynaha Iyo Waftiga Somaliya

Mustafe Haji

Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Awqaata Boqortooyada Sucuudiga Oo Raali Galin Ka Bixiyay Haweenay Fagaare Ku Dhunkatay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy