Borama News Network
Somali News

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Gudoomiye Cusub U Magacaabay Degmo Ay Maamusho Somaliland Iyo Magaca Degmadaasi

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiye u magacaabay degmada Taleex ee Gobolka Sool, Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay oo sidan u dhignaa.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. “

Dhankeeda Somaliland ayaa Horey Taleex u Aqoonsatay gobol loogu magac daray Xaysimo, Waxaana Muranka labada dhinac u dhexeeya ee ku aadan deegaanada Sool iyo Sanaag oo Labada gobol ka dhigay kuwa ka hadhay Horumarkii oo lagu sifeeyo deegaano lagu Muransan yahay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

” Muusaw Tan Ad Jogto Ayay Ka Bilaabmaysaa ilaa Madaxtoyada Ayaa….” Suldaan Cunne Oo Afka Furtay

Mustafe Haji

War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Isgaadhsiinta Somaliland Oo Mudo Labo Cisho Ah Ka Socday Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Xiisad Kasoo Cusboonaatay Sanaag Iyo Rajjo-wacan Oo Uu Mar kale Ka Muujiyey Amniga Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy