Borama News Network
Somali News

Milatariga Dalka Suudaan Oo Xabsiga U Taxaabay Saraakiil Ciidan Oo Lagu Eedeeyay Afgambigii Dhicisoobay

Militariga Suudaan waxay sheegeen inay xireen tiro saraakiil militari ah iyo siyaasiyiin lala xiriirinayo isku daygii afgembi ee dhicisoobay oo ay militariga shaaca ka qaadeen horaantii bishan.

Militariga ma aysan shaacin magacyada mas’uuliyiintaas, dadkii lagu eedeeyay ee loo xiray inay ku lug lahaayeen isku daygii afgembi ee ka dhacay Suudaan waxaa kamid ahaa madaxii shaqaalaha iyo xubno sare oo ka tirsan xisbiga NCP.

Mas’uuliyiinta la xiray waxaa kamid ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Suudaan Bakri Xasan Saalix iyo wasiirkii arrimaha dibadda xilliggii madaxweynihii xilka laga tuuray Cumar Al Bashiir.

Waxay arrintani imaaneysa xilli golaha sare ee militariga Suudaan iyo mucaaradka ay wada gaareen heshiis awood qeybsi ah oo lagu soo afjarayo rabshadaha ka taagan dalkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maayirka Gabiley Oo Iska Fogeeyay Warbixin uu Siiyay Bbcda Qof Isaga Iska Dhigay Sida Uu Sheegay

Amiin

DAAWO: Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Shaaciyay In Uu Xidhanyahay Kalafadhigii Shanaad Ee Baarlamaanka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Suldaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland Ugu Baaqay In Uu Raali Galin Ka Bixiyo Hadkii Uu Ku Maagay Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy