Borama News Network
Somali News

Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Ee Uu Ku Dhaawacmay Gudoomiye Yariisaw

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa war ka soo saaray qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay gelinkii dambe ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

War ka soo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in QM ay aad ugu xun tahay weerarkaasi, islamarkaana, Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysan ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale James Swan ayaa Tacsi u diray Ehellada mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxaasi.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa xilliga uu dhacayay qaraxa daqiiqado ka hora ka baxay xarunta dowladda hoose ee Xamar, isagoona kulan gaar ah hoolka uu ka dhacay kula qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho En. Cabdiraxmaan Yariisow.

Al-Shabaab oo dusha u ridatay weerarkan waxa ay shaacisay in bartilmaameedku uu ahaa James Swan, sida ay ku baahiyeen boggagooda Internet-ka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Hawlgalo Dad badan Lagu Soo Qabqabtay Oo Lags Sameeyay Gobolka Shabeelaha Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

“Dowladda Soomaaliya Qof Aan Weligiis Public Office Soo Marin Ayaa Madaxa U Sarreeya Noqon Kara” Madaxwayne Deni Oo Weeraray Dawlada fadaraalka Somaliya + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Ex Wasiir Xaglo Toosiye Oo Si Kulul U Karbaashay Faysal Cali Waraabe Kana Dagaalka Caare Kula Jiro Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy