Borama News Network
Somali News

Burcad Booliis iska Soo Dhigtay Oo Garoon Diyaaradeed ka Dhacay Dahab Maraykanka Loo Waday Oo lagu Qiimeeyay 40-Milyan Dollar

-

Kooxo burcad hubaysan oo iska soo dhigay booliis ayaa dhac xoogan ka geysatay garoon diyaaradeed oo kuyaala magaalada São Paulo ee dalka Brazil.

Burcadan ayaa ku labisnaa darayska ciidanka booliiska waxa ay sidoo kale wateen gaadiid lagu buufiyay astaanta booliiska , waxa ayna dhac ka geysteen garoonka diyaaradaha Guarulho ee magaalada São Paulo 

Afhayeen u hadlay maamulka garoonka diyaaradaha Guarulho ayaa sheegay in burcada hubeysan ee garoonka soo galay dhaceen 750 Kiilo oo dahab ah oo lagu qiimeeyay lacag gaareysa 40 Milyan oo doolar

Burcada booliiska iska dhigay ayaa qafaashay labo ruux oo kamid ahaa shaqaalaha garoonka ay adeegsanayeen intii ay dhaca wadeen, mana jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dhaca burcada geysteen.

Dahabkan burcada hubeysan ka dhaceen garoonka diyaaradaha Guarulho ayaa waxaa loo waday magaalooyinka New York iyo Zurich, waxaana booliiska Brazil wadaan baadhitaano ay ku raadinayana buracad booliiska iska soo dhigay.

Boramanews Disk

Related posts

DAAWO: Xukuumada Madawayne Biixi Oo Shaacisay In Ay Hirgalisay Cashuurta Iibka Ee Korontada Iyo Isgaadhsiinta

Bnnstaff Bnnstaff

KISMAAYO Oo Lagu Doortay Labo Madaxweyne iyo Mudaharaado Ka Socda .. +VIDEO

Mustafe Haji

DAAWO: Muuse Biixi Iyo Gudoomiyeyaasha Mucaaridka Ah Oo Goob Fagaare Ah Iskugu Jawaabay Daawo Waxa Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy