Borama News Network
Somali News

Budhcad Iska Dhigtay Ciidamado Boolis Ah Oo Si Cajiib Ah Dahab Uga Xaday Garoon Diyaaradeed

Dalka Brazil koox hubeysan ayaa xaday 750 Kiilo oo dahab ah kaas oo lagu qiyaasay qiimihiisu ugu yaraan 30 Milyan oo doolar.

Raggan dhaca geystay ayaa waxay ku labisnaayeen dareeska ciidammada booliska Brazil, waxay xoog ku galeen garoonka diyaaradaha Guarulho ee ku yaalla magaalada São Paulo.

Dahabka ay dhaceen ayaa waxaa loo waday magaalooyinka New York iyo Zurich.

Waxay sidoo kale raggan muddo yar ay qafaasheen labo kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha si ay howshooda u fuliyaan, sida laga soo xigtay booliska.

Dadka dhacan geystay waxay wateen baabuur loo maleynayo inay leeyihiin booliska federaalka Brazil, waxaa ay gabogabeeyeen shaqaalaha garoonka isla markaasna waxay ku khasbeen in dahabka ay saaraan baabuurkii ay wateen.

Afahayeen u hadlay maamulka garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inaysan jirin cid ku dhawaacantay dhacdada.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xigeenka oo ku baaqay in la dardar-geliyo wada-hadallada Dowladda iyo Somaliland

Mustafe Haji

ururka Kubada Cagta Ee Conifa Oo Shaaciyay In Ay Hakiyeen Koobkii Dalalka Aan La Oqoonsan Oo Lagu Qabanayay Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Gudigii Loo Xil-Saaray Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir Oo Warbixin Cusub Ka Soo Saaray Qaraxaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy