Borama News Network
Somali News

Dalalka Qaarada Yurub Oo Waajahaya Mawjado Kulayn Xad Dhaaf Ah Iyo Heer Kulka Oo Gaadhay Meel Aad U Saraysa

Diiwaanada heerkulka ee Yurub ayaa taariikh cusub sameynaya ayada oo mowjado kuleyl ah ay ku dhufteen qaaradda.

Hawada kulul ee ka baxeysa saxaraha Afrika ayaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay in heerka kuleylka uu sare u kaco.

Magaalada Paris ayaa khamiistii heerkulku gaaray 42.7 Celsius, taasi oo jebisay diiwaanka kululeyka ugu badnaa ee magaalada oo ah 40.4, kaasi oo dhacay 1947-kii.

Bishii June, France ayaa diiwaan gelisay maalinkii ugu kululaa taariikda dalkaas, ayada oo heerkulku gaaray 47 Celsius, taasi oo horseeday in digniinta kuleyl la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee casaanka.

Netherlands ayaa sidoo kale khamiistii diiwaan gelisay maalinkii ugu kululaa taariikhda dalkaas, ayada oo kuleylku gaaray 41.7 Celsius.

Dalka Jarmalka, ayaa sidoo kale laga diiwaan geliay maalin cusub oo ah kii ugu kululaa taariikda dalkaas, halkaasi oo heerkulku gaaray 42.6 Celsius.

In badan oo ka mid ah dhismooyinka dadweynaha ee Yurub ayaan lahayn qaboojiye. Warbixino ayaa sheegaya in kaliya 5% guryaha ay leeyihiin qaboojiye.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO Afar Alshabaab Ah Midi Haweenay Tahay Oo Lagu Toogtay Suuqa Bakaara

Mustafe Haji

Hargeysa Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Fanaanka Cawaale Aadan

Mustafe Haji

DAAWO: Gudoomiye ciro Oo Ka Hadlay Hishiiskii Ay Gaadheen Xisbiyadu Iyo Qodobo Kale Oo Xasaasiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy