Borama News Network
Somali News

Kim Jong Un: Gantaalladeena Waxay Digniin U Yihiin Dagaal Oogayaasha Kuuriyada Koonfureed

-

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in gantalladii ay tijaabisay Shalay digniin dhab loogu dirayay waxa ay ku tilmaameen “qabqablayaasha dagaal ee Kuuriyada Koonfureed”

Gantaallada waxay ku tijaabisay badda Japan gaar ahaan deegaan dhaca koonfurta baddaas.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dalkiisa lagu khasbay inuu sameysto hub xooggan si uu uga hortaggo halista amniga.

Waxaa uu sheegay in tijabaada ay aheyd mid lagu soo bandhigayay hub casri ah.

Hadalka Kim Jong Un ayaa imaanaya xilli Kuuriyada Waqooyi ay horey u dhaleeceesay dhoolastuska militari ee bishii lasoo dhaafay ay si wadajir ah gobolka uga sameeyeen Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

Kuuriyada Waqooyi waxay muddo badan ku tilmaantay dhoolatuska militari mid daandaansi ah.

Madaxa shaqaalaha Kuuriyada Koonfureed waxaa uu sheegay in mid kamid ah gantaallada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi uu gaaray masaafo dhan 428 mile.

Kim Jong-un waxaa uu yiri “Waa in Kuuriyada Koonfureed aysan iska indho tirin digniinta”

Kuuriyada Koonfureed waxay ugu baaqday xukuumadda Pyongyang inay joojiso falalka sii hurinayo xiisadda gobolka isla markaasna ay tahay arrin halis ku ah amniga.

Mareykanka waxaa uu ugu baaqay Kuuriyada Waqooyi inay joojiso daandaansiga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dawlada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday 3 Maalmood Oo Baroor Diiq Ah

Mustafe Haji

Gobolada Galbeedka Awdal Iyo Salal Aar Goosi Siyaasadeed Baa Ku Socda ” Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadii Siilaanyo Oo Afka Furtay + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

Cuqaasha iyo Salaadiinta Reer Awdal Oo Qado Sharaf La Qaatay Wasiirka Ganacsiga Somaliland

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy