Borama News Network
Somali News

Madaxwayne Ku Meel Gaadh Ah Oo Loo Dhaarshay Talada Dalka Tunisia Iyo Gudiga Doorashooyinka Dalkaasi Oo Shaaciyay In Ay Doorasho Qaban Doonan

Gudida sare ee doorashooyinka Tunisia ayaa ku dhawaaqday in dalka laga qaban doono doorasho madaxtooyooyo 15 Sebtember ee sannadkan.

Waxa sidoo kale xilka madaxtinimada dalka si ku meel gaadh ah loogu dhaariyey gudoomiyaha baarlamanka, Maxamed Al-Naasir, geeridii Madaxweyne Baaji Qaa’id Al-Sibsi ka dib.

Sida uu dastuurka dalku digayo gudoomiyaha baarlamanka ayaa si ku meel gaadh ah xilka u haynaya muddo 45 ilaa 90 maalmood ah inta lagu qaban qaabinayo doorsho madaxweyne.

Maxamed Al-Nasir ayaa qudhiisa da’diisu tahay 85 jir oo aan wax badan ka yarayn madaxweynaha geeriyooday.
Xukuumaddu waxay shaacisay baroor diiq todoba maalmood ah iyo in calanka dalka hoos loo dhigi doono.

Waxaanay intaa ku dartay in maalinta Sabtida ah aas qaran lagu sagootiyi doono madaxweynaha geeriyooday.

Al-Sibsi oo ahaa madaxweynaha ugu da’da weyn dunida ee xil haya ayaa Arabacadii la dhigay isbitaal, maalmihii ka dambeeyeyna xukuumaddu wax war ah kamay soo saarin xaaladiis iyo xanuunka hayey toona.

Tunisia ayaa noqday dalka keliya ee ka soo doogay kacdoontii gu’gii Carabta oo aan dagaal iyo fawdo ka dhicin.

Al-Sibsi ayaa door wayn ka ciyaaray heshiis awood qaybsi ah oo dhex maray xisbigiisa Nidaa Tuunis iyo xisbiga Islaamiga ah ee Annahda. Waxaanay arintaasi sahashay in dalku xasilo oo aan dawladdu dumin.

Wuxu ahaa nin loo arkayey inuu ilaalinayo mabaadiida cilmaaniga ah ee bulshada Tunisa.

Dadka ka soo horjeedaa se waxay u arkayeen inuu ka mid ahaa rajiimkii hore ee dadka miidhay ee Bin Cali oo uu xilal ka soo qabtay.

Waxaanay u haysteen in uu doonayey in ay soo laba kaclayso “dawladdii xididaysatay” isla markaana wiiqayey himiladii kacaanka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Ardaydii Shaqo Qaran Ee La Saaray Liiska Shaqo Qaran Oo Si Kulul Ula Hadlay Madaxwayne Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Waraysi Dhamaystiran Oo Uu Prof Ismaaciil Hure Buubaa Kaga Hadlay Arimaha Somalida Iyo Geeska Africa

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Doorashada Oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka Jubaland

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy