Borama News Network
Somali News

“Tacsi kuma Jiri karno, ee Dawladaay Kac Adigu” Sh. Maxamed Idiris Fariin Kulul u diray DF Somalia iyo Shacabka

Sheikh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa k ahadlay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdish iyo dhacdooyinkii ka horeeyay, Wuxuuna Xusay inaan Tacsi joogto ah lagu Jiri Karin, wuxuuna Fariin u diray Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu u naxariisto, dembigooda dhaafo, jannadiisana geeyo, eheladoodana samir iyo iimaan ka siiyo dadkii shalay lagu xasuuqay xarunta gobolka banaadir, inta dhaawacaana ilaahay u booga dhayo.

Ummadda soomaaliyeed wexey waayadaan noqotay tacsi u joog, maalin walba ineynu dadkeeni qaar tacsi ku sagootino, shalay ayey ahayd markii qayb kale lagu xasuuqay qarax isla muqdisha qaar xajkii u socdeen, ayaama ka horna kismaayo ayey ahayd qayb kale oo hoteel lagu xasuuqay, dhawrkii maalmoodba waa qaraxa iyo xasuuq iyo inaan tacsi u fadhino.

Awooddii ummadda soomaaliyeed oo dhawr iyo toban milyan ah (DAD IYO DAWLAD) wexey ku soo ururtay oo keliya maalin walba inaan dhahno: (inta dhimatay allaha u naxariisto.. inta dhaawacaana allaha caafiyo).

Waa sax ducadaasu, hayeeshee jawaab ku filan ma aha xasuuqa arxan darrada ah ee innagu socda, sida aynu nahayna (Dad iyo Dawlad) ma aha jawaab ama dareen ku habboon dagaalka xun ee innagu socda, gudo iyo dibadna kaga socda dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Soomaaliyey aan kacno, oo weliba DAWLADOOY, adigu ka kac!!”.

Sh. Maxamed Idiris

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shaqaale Lagu Afduubtay Dalka Nigeria Oo Ka Soo Muuqday Muuqaal La Soo Duubay Iyo Tirada Dadkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Muranka Caasimada 2aad Ee SomaliLand Oo Golayaasha Deegaan Ee Burco Iyo Borama Meel Xun Ka Maraya

Bnnstaff Bnnstaff

Somaliland Maxay Ka Tidhi Ciidamo Shalay Ka Goostay Oo Puntland !!

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy