Borama News Network
Somali News

Deg Deg: Dagaal Culus Oo Duleedka Magaalada Ceerigaabo Ku Dhex Maraya Ciidamada Somaliland Iyo Jabhada Kornayl Caare

dagaal ayaa saaka ku dhex maray deegaanka Karinka ee degmada Ceerigaabo, jabhadda Korneyl Caarre iyo ciidamada Qaranka Somaliland.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii jabhadda korneyl Caarre ay shalay ka guureen goobtii hore ee ay deganaayeen una guureen degaankan cusub oo uu ku yaallo jidka muhiimka ah ee Tabca.

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Si Dhow Ula Socday Dhaq-dhaqaaqa Jabhada Taliye Caare Ayaa Diiday Aag Bedelesho Uu Damacsana Inuu Sameeyo Taliya Caare,Taas Oo Ugu Danbayntii Sababtay In Dagaal Hor Leh Ka Dhex Qarxo Jabhada Iyo Ciidamada Somaliland,Dagaalka Ayaa Socday Mudo Saacado Ah,Waxaana Agagaarka Ay Labada Ciidan Isku Haleelen Laga Maqlaya Dhawaaqa Rasaasta,Ilaayo Hada Lama Xaqiijin Karo Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkaasi

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

CEELAFWEYN: Dabley Hubeysan Oo Weerartay Kaalin Shidaal Iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Ka…

Mustafe Haji

DAAWO: Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Ee Gobolka Gado Oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Xaalad Amaanka

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Culimada Ku Eedeeyay In Ay Ka Gaabsheen Wacyi Galinta Ee Colaada Deeganada Ceel Afwayn

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy