Borama News Network
Somali News

Masuuliyiinta Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Xujayda Somaliyeed Ku Soo Dhaweeyay Dalka Sucuudiga

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa Magaalada Madiina Al-munawara ee Dalka Sacuudi Carabiya kusoo dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed ee halkaasi gaaraya si ay ugu war qabaan xaaladda Xujeyda.

Wasiirka oo ay socdaalkiisa Indha-Indhaynta iyo soo dhoweynta ah ku wehliyaan , Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah , Ilyaas Sheekh Cumar, la taliyaha Wasaaradda, Maxamed C/raxmaan Nadiif iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Madiina, si ay ula socdaan Xujeyda halkaa tageysa iyo xaaladahooda guud.

Cusmaan Aaden Dhuuboow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ballaaran oo la xiriira ka war qabka xaaladda Xujeyda iyo fulinta adeegyada ay u baahan yihiin, taas oo ah qorshe ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka, isagoo intaa raaciyay in ay sii Laba jibbaari doonaan howlaha ay halkaasi u joogaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u dirtay Dalka Sacuudi Carabiya Guddi ka shaqeeya saacidaadda iyo la socoshada Xujeyda Soomaaliyeed, iyagoo kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay inta badan Garoomada ay ka degaan Xujeyda, goobaha ay ka deggen yihiin Dalka Sacuudiga iyo qaabka ay acmaasha u gudanayaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Asalkiisu Waa Turkish Ayaydii Ayaa British Aheyd ” Raysal Wasaaraha UK

Mustafe Haji

DAAWO: Qaabkii Ay U Dhacday Bandhiga Carwada Buugaagta Ee Magaalada Muqdisho Iyo Dhalinyaro Ka Dareen Celiyay

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Saanada Hubka Qarsoodiga Ah Ee Dalka Iraan Iyo Loolanka Culus Ee Marin Biyoodka Hurmus Ku Dhex Maraya Iraan Iyo Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy