Borama News Network
Somali News

Deg Deg: Laamaha Amniga Somaliya Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Labo Qof Oo Lala Xidhiidhinayo Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir

Laamaha amniga oo weli ku mashquulsan baaritaanka weerarkii Arbacadii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa illaa iyo hadda loo xiray laba askari.

Saraakiisha waxa ay xaqiijiyeen in xabsiga la dhigay laba Askari oo magacyadooda lagu soo koobay Qataatow iyo Shuuto.

Askartan ayaa ka tirsaneyd ilaalada Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana soo galay tuhun ama shaki ah inay fududeeyeen qaraxa ka dhex dhacay dhismahaasi.

Shuuto oo ah gabar ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa waxaa la sheegay inay joogtay qaybta baarista ee haweenka lagu baaro, halka Qataatow uu isagana joogay bannaanka hore albaabka laga soo galo qaybta baarista.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in la demiyay kaamirooyinka ku xiran Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, maalmo ka hor maalintii uu qaraxa dhacaayay.

Qaraxan ayaa waxaa jira tuhunka ah inaysan fududeen askarta oo keliya, balse ay suurtagal tahay masuuliyiinta ka tirsan Xarunta Gobolka Banaadir in ay ka qayb qaateen fududeenta qaraxaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Dab Ka Kacay Xaafado Ka Tirsan Magaalada Haragaysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Dabkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Waxa Kala Qabsaday Col Caare Iyo Wariye Ka Hawlgala HCTV Iyo Su’aalo Kulul Oo La Isdhaafsaday

Bnnstaff Bnnstaff

“Warka Laga Soo Sheegayo Magaalada Ceeri-Gaabo Waa Wax Laga Naxo” Siyaasi Ramaax

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy