Borama News Network
Somali News

Wasiir Oomaar Oo Ku Waajahan Magaalada Kismaayo Xili Axmed Madoobe Mamnuucay Imaatinka Masuuliyiinta Dawlada Fadaraalka

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaadho magaalada Kismaayo, isagoo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland, inkastoo aanu weli si rasmi ah ugu dhawaaqin.

Safarka uu maanta Wasiir Oomaar ku tagayo Kismaayo ayaa ku soo aadaya, iyadoo khamiistii la soo dhaafay go’aan ay soo saareen Golaha Wasiirada Jubbaland lagu hakiyay safarada Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka, gaar ahaan Xukuumadda ku imaanayaan Kismaayo iyo wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

Lama oga sida ay u saameyn doonto go’aankaas Wasiir Oomaar, inkastoo uu ka mid yahay Musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan xilka Madaxweynaha, isla markaana ah Musharax ay taageereyso dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa iyana la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo shuruudihii dhowaan ay soo saareen Guddiga doorashooyinka ee ku aadan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland

Wararka saaka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay, laguna wado in Wafdi ka socda Taliska AMISOM ay iyana gaaraan magaalada.

Kismaayo ayaa isu diyaarineysa doorashooyin xasaasi ah oo isha lagu haayo, iyadoo dhowaan Guddiga Doorashada ay waqti kordhin ku sameeyeen waqtiga diiwaan gelinta Musharaxiinta, waxaana weli is diiwaan gelin inta badan Musharaxiintii is bedel doonka aheyd ee sida weyn uga soo horjeeda Madaxweyne Axmed

Xafiiska Wararka BoramaNews
 BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya Oo Sheegay In La Qaban Doona Kulan Loogu Ducaynayo Marxuun Eng Yariisaw

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg: Qaar Ka Mid Ah Salaadiinta Waawayn Ee Gobolka Awdal Oo Meel Adag Iska Taagay Arinta Saami Qaybsiga Fariin Culusna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Xujayda Somaliyeed Ee Sanadkan Gudanaya Xajka Oo Looga Digay In Ay Tegaan Magaalooyinka Kale Ee Sucuudiga Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy