Borama News Network
Somali News

Boqortooyada Sucuudiga Oo Mar Kale Xabsiga U Taxaabtay Sheekh Salmaan Al Cawadah Iyo Sobobta Loo Xidhay

axkamada loogu yeedho la dagaalanka argagixisada ee dalka Sacuudiga ayaa dib u dhigtay dhageysiga iyo xukunka danbi ay dowlada ku eedeysay wadaad ka caanka ah ee lagu magacaabo Shiikh Salmaan Al-Cowdah.

Wiilka uu dhalay wadaadkaan ayaa xaqiijiyay in xukunka aabihii dib uu u dhacay ilaa iyo bisha December ee dabayaaqada Sanadkaan.

Al-Cowdah oo la filayay in lagu xukumo dil ayaa la filaayey in uu ka soo muuqdo maxkamada magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.

Balse Cabdulaahi Shiikh Salmaan oo ah wiilka wadaadkan ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay qoraal ah in dhageysiga xukunka aabihiis dib loo dhigay mudo shan bilood Ah.

Wuxuu yiri aabahey oo xeer ilaaliyaha guud uu dalbaday in toogasho lagu xukumo ayaa maanta dib u dhac ku yimid xukunkiisa.

Waa markii labaad oo boqortooyada Sacuudiga ay dib u dhigto isla sanadkaan xukunka wadaadkaan oo la xiray bishii Septemper ee sanadkii 2017-dii oo hada ku dhow laba sanno.

Shiikh Salmaan Al-Cowdah ayaa xukuumada sacuudiga ku eedeysay in uu ku xadgudbay sharciga dalkaasi iyo arimo ay ka mid yihiin kacdoon ka dhan dowlada

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

XAJKA: Xujay ku Dugan Xajka Oo Aan Xajin

Mustafe Haji

DAAWO: Siyaasi Cabdinaasir Buuni Oo Ka Hadlay Heshiiskii Sadexda Xisbi Iyo Go’aankii Ay Ka Qaateen Golaha Wakiiladu

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Col. Caare Oo ka Hadlay Shaqaaqadii Ceel Afweyn iyo Wada-hadalka U Socda Isaga iyo Xukuumada Biixi

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy