Borama News Network
Somali News

Ciidamaa Dalka Nigeria Oo Ku Raad Jooga Raga La Baxa Timaha Raamaha Ah Iyo Sobobta Loo Baacsanayo Ragaasi

Militariga Nigeria ayaa lagu eedeeyay inay xasbiyada dhigaan ragga timaha raamaha leh ee ku sugan gobolka koonfurta ku yaalla ee Abia.

“Ciidammo madaxa soo dabooshay ayaa waxay sitaan maqas ay timaha kaga xiirayaan ragga timaha raamaha leh, waa ay kaxeystaan” ayuu goob jooge u sheegay wargeyska Pun Newspaper.

Booliska ayaa ragga timaha raamaha leh u kaxeystaa goob aan la gareyn.

Afahayeen u hadlay ciidammada Nigeria oo lagu magacaabo, Major Aliu Kadiri ayaa sheegay in ciidammada ay ka war hayaan dhacdooyinka lagu xir xirayo raggaas isla markaasna ay baarayaan.

Ma kala cadda inuu xiriir ka dhexeeyo howlgalka ka dhanka ah ragga timaha raamaha leh iyo howlgallada lagu baacsanayo burcadda afduubka ka geysata dalkaas.

Ciidammada Nigeria waxay sidoo kale wadaan howgallo ka dhan ah burcadda xoolaha dhacdo iyo maleeshiyaadka Booko Xaraam.

Ma ahaan markii ugu horreysay ay ciidammada ammaanka bartilmaameedsadaan ragga timaha raamaha leh.

Afahayeen u hadlay booliska ayaa BBC u sheegay in ragga timaha raamaha leh ay halis ugu jiraan in la xiro.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Waxa Kala Qabsaday Col Caare Iyo Wariye Ka Hawlgala HCTV Iyo Su’aalo Kulul Oo La Isdhaafsaday

Bnnstaff Bnnstaff

Falanqayn:- Saamayn Intee Le eg Ayaa Ka Dhalan Karta Hadii Ay Golaha Wakiiladu Diidaan Ansixinta Heshiiska Ay Xisbiyada Gaadheen + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

Dalalka Kenya Iyo Jabuuti Oo Loolan Xoogan Ugu Jira Kursi Ka Banaan Qaramada Midoobay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy