Borama News Network
Somali News

Ciidamada Dalalka Iraan Iyo Ruuska Oo Siwada Jir Ah Dhuulotus Milatari Uga Samaynaya Xeebaha Khaliijka Carabta

Taliyaha ciidanka badda Iiraan Xuseen Khanzadi ayaa sheegay in Iiraan iyo Ruushka ay ku heshiiyeen in si wadajir ah ay dhoolatus milatari uga sameeyaan xeebaha Khaliijka.

Khanzadi, ayaa hadalkaan ka sheegay Axadii shalay kadib dhoola tus ciidanka badda ruushka ay ka sameeyeen magaalada Saint Petersburg.

Wuxuu intaa ku daray in dhoolatuska uu ka dhici doono badweynta Hindiya ee Makran gacan biyoodka Hormuz iyo Khaliijka.

Dhoolatuskaan ciidanka badda ruushka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiiro iyo marti sharaf kale oo ka socota 20 dal oo ku yaal Caalamka.

Abaanduulaha ciidanka Badda Iiraan Xuseen Khanzadi ayaa intaa
raaciyay in raaciyay in dhoolatuskan uu bilaaban doono dhamaadka Sanadkan.

Heshiiskaan ayaa imaanaya iyadoo uu sii kordhayo xiisada milatari ee u dhaxeysa Tehraan iyo Washington.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Axmed Madoobe Oo Ka Qudbadiisii Munaasibada Ciida Kaga Hadlay Suurta Galnimada In Uu Dagaal Ka Dhaco Jubaland

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Saanada Hubka Qarsoodiga Ah Ee Dalka Iraan Iyo Loolanka Culus Ee Marin Biyoodka Hurmus Ku Dhex Maraya Iraan Iyo Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Hogaamiyaha XISBIGA Wadani Xirsi Oo Jawaabay Dad Iney Jiraan Dad Isaga Loo Xidhay Intii Uu Joogay Madaxtooyads

Amiin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy