Borama News Network
Somali News

Odayaasha Magaalaa Cadaado Oo Ku Gacan Saydhay Ka Qeyb Galka Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Guddiga qaban qaabada shir-weynaha dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmuudg iyo Odayaasha & Waxgaradka Magaaladaas.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay sidii Odayaasha Cadaado uga qeyb geli lahaayeen Shirka dib u heshisiinta Galmudug ee gogoshiisu taallo Magalada Dhuusamareeb iyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

In kastoo Saxaafadda ay kulankaasi dibad-joog ka aheyd ayaa waxaa Wararka la helayo ay sheegayaan in Odayaasha Cadaado ay Guddiga u sheegeen in marnaba aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan Shirka dib u heshiisiinta ee Magalada Dhuusamareeb.

Sababaha ay ku diideen ka qeyb galka shirka Odayaasha Cadaado ayaa waxa lagu sheegay inay guddiga u gudbiyeen in shirkaasi ay doonayaan in lagu qabto Magalada Cadaado,isla markaana ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xubnaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyow) ay Odayaasha Dhaqanka u sheegeen in Go’aankooda u gudbin doonaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Xeraale Huurshe, Balanbal iyo Caabuud-waaq iyo gaalkacyo, waxaana dhammaan deegaannadii ay tageen waxgaradka ku nool ay la wadaageen qorshaha ay wadaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Soo Bandhigay Arimo Xasaasiya Sheegayna In Ay Shabaab Cashuurto Dekeda Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Xilkii Ka Xayuubiyay Maamulayal Iyo Agaasime Waaxeedyo + Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Dawlada Iraan Oo Soo Bandhigtay Hub Culus Oo Lagu Farsameeyay Gudaha Iiraan Iyo Madaxwayne Xasan Rooxaani Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy