Borama News Network
Somali News

Dawlada Imaaraadka Carabta Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Boosaso Ee Dalka Qatar Lala Xidhiidhiyey

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in taasi ay cadeyn u tahay xiriirka Qatar ay la leedahay argagixisada.

Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “halista codka la duubay ma ahan mid lagu dabooli karo war-saxaafadeed la soo saaray.”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “u ololeynta argagixisanimo ee ka dhanka ah Imaaraadka waa mid laga shaleyn doono” wuxuuna intaa raaciyay in xiriirka afarta dal u jareen Qatar uu ahaa mid loo baahnaa.

Toddobaadkii tagay, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso.

Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Duqaymo Diyaaradeed Oo Laga Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose Xubno Badan Oo Alshabaab Ah Oo Lagu Laayay

Bnnstaff Bnnstaff

5 Qof Oo Ku Dhintay Buuq Iyo Iscidhiidhi Ka Dhashay Bandhig Faneed Ka Dhacay Dalka Algeria Iyo Siday Wax U Dheceen

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Ku Dhawaaqday In Ayna Aqoonsan Doonin Natiijada Ka Soo Baxda Doorashada Jubaland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy