Borama News Network
Somali News

Deg Deg: Gudoomiyihii Gobolka Banaadir En Yariisaw Oo U Geeriyooday Dhaawicii Ka Soo Gaadhay Qaraxii Muqdisho

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dooxa ee Caasimadda Dalka Qatar ayaa sheegaya inuu Geeriyooday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] oo ku dhaawacmay Qaraxii dhowaan ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Muqdisho, Waxaana Gudoomiye Yariisow uu kamid ahaa Dhaawacyo Xaaladoodu culus tahay oo dalka Debediisa loo Qaaday.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar ayaa xaqiijiyay geerida Eng. Yariisow oo muddo todobaad ku jira xaalad koomo ah oo dhaqaatiirtu la tacaalayeen, waxaana dhaawaca ugu culus uu ahaa dhanka madaxa.

War kasoo baxay Telefishinka Dawladda ayaa sidoo kale Lagu xaqiijiyey Geeridiisa “Alle ha u naxariisto Guddoomiye Abdirahman Omar Osman eng Yariisoow waxa uu koldhow ku geeriyooday magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar, geeridiisa waxaa inoo xajiiyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Hon Khadija Mohamed Diriye iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa oo isbitaalka la joogay.”

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

AIIB approves membership of Benin, Djibouti and Rwanda

Amiin

Dooda Xeerka Ismamulka Degmoyinka Oo Xildhibanada Golaha Wakiiladu Ku Kalakaceen

Amiin

Soomaaliya iyo Kenya Oo isku Arki Doono Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee (Cecafa)

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy