Borama News Network
Somali News

Puntland Oo Laga Xusay 1-da August, RW. Khayre Oo Hambalyo U Diray Iyo Yurub Geenyo Oo U Heestay

Deegaanada Puntland waxaa maanta Looga Dabaal-degay 1-da Agoosto, oo ku beegan 21-Guuradii kasoo Wareegtay markii la dhisay maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada maamul Gobaleedka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1-da August oo ku beegan 21-sano guurada ka soo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay.

“Hambalyo, dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yidhi Kheyre.

Khayre ayaa bogaadiyay horumarka dhanka maamulka iyo xasilloonida ay Puntland ku tillaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka deegaanka iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay horumar ballaaran, nabad iyo barwaaqo.

Fannaanada Yurub Geenyo oo ka tirsan Kooxda Xidigaha Geeska ee magaalada Hargeisa ayaa dhankeeda Hees u Qaaday Maalinta la dhisay maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Waxa Muuqata In Wasaaradi Arimaha Dibada U Si Dadban U Maaamulaayo ‘’Xoghayaha Waddani

Mustafe Haji

Wax Ka Baro Hayeenay Muslimad Ah Misena Madaxwayne Dal Ah Kana Caan Baxday Asturnaanta Iyo Xijaabka + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Shir Wayne Ay Qabsan Doonaan Beelaha Sacad Muuse Iyo Ciidagale Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy