Borama News Network
Somali News

SULDAAN Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Magalada Kismaayo Iyo Musharax Ka Digay In Dagaal Sokeeye Ka Qarxa Kismaayo

Allaha u naxariistee waxaa goordhowayd ku geeriyooday Cisbitaal ku yaal magaalada Kismaayo Suldaan Cabdirashiid Muuse (Suldaan Dure) oo ka mid ahaa Madaxda Dhaqanka ee caanka ka ahaa gobolka Jubbada Hoose.

Suldaanka ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay Rasaas uu qof hubeysan ku furay xilli uu ka soo baxay salaadii Maqrib ee caawa, Waxaana aan Suurto gelin Dadaalo lagu doonayay in lagu badbaadiyo suldaanka, Isagoo geeriyooday xilli qaliin lagu sameeyay.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Jubbada Hoose iyo maamulka Jubbaland, Waxaana Cisbitaalka uu kugeeriyooday suldaanka gaadhay Xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Suldaanka Caawa lagu dilay magaalada Kismaayo ayaa kamid ahaa Madaxda dhaqanka ee ka soo horjeeday qaabka loo xulayo xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland, Taasi oo madaxwayne Axmed madoobe diyaarsaday.

Dhinaca kale Qaar kamid ah musharaxiinta maamulka Jubbaland ayaa ka cabsi ka qaba in dagaallo sokeeye ay ka bilaawdaaan magaalada Kismaayo, Musharaxiinta qaarkood ku dhiiran waayay in ay tagaan Kismaayo, halka qaar kalane sheegeen in ay dareemayan cabsi gelin iyo hanjabaad joogto ah oo uga imaanaya masuuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Sheekh Daahir oo ka tirsan Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in Kismaayo ay lugaha la sii galayso dagaalo Sokeeye maadaama aysan jirin doorasho xor ah oo degaankaas ka socoto.

“Haddii aysan wax iska badalin aragtida Axmed Madoobe iyo sida ay wax ku socdaan waxaa xaqiiqo in dagaalo Sokeeye ay marti gelin doonto Kismaayo” Ayuu yidhi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Afar Xildhibaan Oo Xabsiga Loo Taxaabay Magaalada Gabilay

Amiin

DAAWO: Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Hargaysa Lagu Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

“Kenya Waa In Ay Ilaaliso Badeeda Iyo Dhulkeeda” Aadan Bare Ducaale Oo U Ololaynaya Sidii Ay Kenya U Qaadan Lahayd Bada Somaliya + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy