Borama News Network
Somali News

Wiil Uu Dhalay Osama Bin Laden Oo La Sheegay In La Dilay Iyo Goobta Lagu Dilay Iyo Cida Dishay

Wiilka Osama Bin Laden ayaa la rumeysan yahay inuu dhintay, islamarkaana lagu dilay howl-gal uu Mareykanka taageerayey sida ay sheegayaan warbixinno cusub.

Saraakiil magacooda qariyey ayaa xaqiijiyey dilka la tuhunsan yahay ee Hamza bin Laden, oo la rumeysnaa inuu ku jiray da’diisii soddonaadka, sida uu markii ugu horreysay weriyey taleefishinka NBC News.

Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale weriyey in Hamza lagu dilay howl-gal dhacay labadii sano e ee ugu dambeysay gudahood, kaasi oo Mareykanka uu si un ugu lug lahaa.

Si kastaba, saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay New York Times in dowladda aysan weli xaqiijin dhimashada Hamza.

Mareykanka ayaa horey hal milyan oo dollar ugu yaboohay akhbaar kasta oo hoggaamin karta qabashada ama dilka Hamza bin Laden.

Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza, ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar un hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabihiis.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Xiisad Kasoo Cusboonaatay Sanaag Iyo Rajjo-wacan Oo Uu Mar kale Ka Muujiyey Amniga Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

Filimkii Dadka Lagu Eedeynayay Sawirbaad La Gashay Somaliya Wuu Soo Dhamaaday” Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Gudoomiye ciro Oo Ka Hadlay Hishiiskii Ay Gaadheen Xisbiyadu Iyo Qodobo Kale Oo Xasaasiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy