Borama News Network
Somali News

Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Maanta Si Toos Ah Loogu Wareejiyay Amniga Magaalada Dhuusamareeb

Maanta oo Jimco ah taariikhduna ay ku began tahay 2/8/2019 ayaa sirasmi ah waxaa Dowladda soomaaliya loogu wareejiyay mas’uuliyadda Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb.

Goobta wareejinta oo aheyd Xarunta ay Dhuusamareeb ka degan yihiin Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed sabriye, taliyeyaash Ciidamada iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kle.

Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan mas’uuliyadda Amniga Dhuusamareeb ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay qaado.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhamaan Ciidamada kala Duwan ee ku sugan Gudaha Magaalada Dhuusamareeb loo saari Doonaa Bannaanka Magaalada,isla markaana Amniga Gudaha ay la wareegi doonaan Ciidamo Gaar ah oo Dowlada DFS u diyaarisay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Wararkii Ugu Dameeyay Qaraxii Muqdisho Iyo Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Shaacisay Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Qaraxaasi

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Odayaasha Iyo Waxqaradka Beesha Reer Nuur Oo Si Adag Ugu Jawaabay Odayaal Shalay Ka Hadlay Doorashada Iyo Arimaha Saami Qaybsiga

Bnnstaff Bnnstaff

Dood Kulul oo Lagaga Hadlay Doorashada Jubbaland iyo Mustaqbalka Axmed Madoobe

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy