Borama News Network
Somali News

Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Oo Dawlada Somaliya Iyo Shacabka Somaliyeed Uga Tacsiyeeyay Geeridii Godoomiye Yariisaw

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne ; Geelle.

“Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Dawlada Turkiga Oo Wacad Ku Martay In Ay Ka Aargoosan Doonto Maraykanka Hadii Uu Qaado Talaabo Ka Dhan Ah Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Fanaanka Ciro Ee La Sheegay In Lagu Weeraray Gurigiisa Oo Faah Faahin ka Bixiyay Siday Wax U Dhaceen

Amiin

Wariye Coldoon Oo Loo Diiday Inay Eheladiisu Xabsiga Ku Booqdaan + Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy