Borama News Network
Somali News

Wariye Coldoon Oo Loo Diiday Inay Eheladiisu Xabsiga Ku Booqdaan + Sababta

Garyaqaan Mubaarig Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah garyaqaanadda waawayn ee somaliland ayaa sheegay in ciidanku u diideen in ay wariye cabdi maalik muuse coldoon ay bookhdaan eheladiisu,waxaana uu tilmaamay in xaq dastuurku siiyay maxbuuska la jabiyay.

Cabdi Maalik ayaa waxa uu ku xidhan yahay xabsiga mandheera waxaana uu garyaqaanku tilmaamay in eheladiisa oo doonaysay in ay soo bookhdaan loo diiday waxaana uu sheegay in masuuliyiinta xabsigu ay ku kaceen gaf sharci oo lagu maxkamadayn karo.

garyaqaanka oo qoraal uu arintaasi kaga hadlayo soo gaadhsiiyay hadhwanaagnews ayaa waxa uu ku tilmaamay in sharciyadii dalka qaab kale ciidamadda xabsiyadu ugu dhaqmayaan waxaana uu yidhi.

“waan ka xumahay in saaka loo diido ehelada iyo qoyska suxufi Abdilmalik Musa Coldoon oo ku xidhan xabsiga Mandheera inay ku soo booqdaan xabsiga saaka.

Ehelada oo ay ka mid yihiin ,hooyadi iyo walaalihii oo ay qaarkood dalka u imadeen inay arkaan walaalkood ayaa maamulka xabsigu u diiday inay booqdaan .

Talabadaasi waxay gef ku tahay xaqa coldoon ee uu siiyay dastuurka somaliland iyo xeerka xabsiyaduba sidoo kale waxay walaac hor leh ku tahay ku dhaqanka iyo in la raaco sharciga .

Qodobka 27aad(1) ee Dastuuka Jsl wuxuu xaq u siinaya qof kasta oo xoriyadiisa laga qaaday inuu xaq u leeyahay la kulanka qareenkiisa ,qaraabadiisa,iyo cidii kale ee uu isagu doorto.

Qodobka 57aad ee Xeerka xabsiyada somaliland xeer L/R 65/2014 wuxuu ku waajibinaya ciidanka xabsigu inay u ogoladaan qofka maxbuuska ah booqashada Eheladiisa iyo Asaaxbtiisa.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Muuse Biixi Ayaa Ka Musuul Ah Dib U Dhaca Doorashada Kulmiyena Diyaar Uma Ah In Ay Doorasho Dhacdo”

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Bayle Oo Shaaciyay Lacagaha Lagu Leeyahay Somaliya Iyo Dalalka Lacagahaasi Ku Leh Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Gobolka Awdal oo xilka ukala Wareejiyay Wasaarada Caafimadka Gobolka

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy