Borama News Network
Somali News

Madax Dhaqmeedka Beelaha Gadhxajis Oo Buuraha Gobolka Sanaag Kulan Kula Qaatay Kornayl Caare

Madax Dhaqameedka waawayn ee beesha garxajis oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Buuraha Gobolka Sanaag oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Uu Hogaaminayo Kornayl Caare ayaa halkaasi kulamo kula Yeeshay.

Waftigan Madax Dhaqameedka ah ayaa waxa hogaaminayay Suldaanka Guud ee beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani waxaana ay la soo galeen kornaylka sawiro muujinaya in ay kulmeen.

Kornayl Caare ayaa ciidanka qaranka somaliland dhawr jeer dagaal ku dhexmaray buuraha gobolka sanaag waxaana uu caare ku doodayaa inuu cadaalad daro ka baxay.

Madax dhaqameedkan ayaan ilaa hadda soo bandhigin qodobada uu hor dhigay kornayl caare waxaana laga dhur sugi doonaa qodobada ka soo baxa shirka ay wadda yesheen caare iyo salaadiintu.

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ciidamo Dheeraad Ah Gaysay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Saan Oo Lagu Sheegay Jabhada Caare

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dabkii Ka Kacay Buurta Daalo Iyo Masuuliyiin Ka Warbixiyay Xaalada Deegaanka

Bnnstaff Bnnstaff

WARAYSI XIISO LEH : Salaad Cali Jeelle Oo Hadlay Cidda Leh Masuuliya Weerkii Ismiidaaminta Ahaa .

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy