Borama News Network
Somali News

Madaxwaynihii Hore Ee Maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas Oo Baaq U Diray Dawlada Fadaraalka Iyo Maamul Goboleedyada

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dowladda dhexe ee dowlad goboleedyadda ugu baaqay in ay soo Afjaraan Khilaafka Mudada dheer ka dhex taagan.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya laga doonaayo in ay tixgaliso hanaanka maamul goboleedyada ay ku shaqeeyaan, islamarkaana ay dardarliso dhismaha maamul goboleedyadda.

Gaas ayaa sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena waxaa sheegay in dhammaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda Khilaafkaasi cuuryaamiyay.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland Khilaaf ka dhex taagan uu noqday soo jireen Maadaama dowladda Soomaaliya aysan diyaar u aheyn tixgalinta Cabashooyinka maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa lagu xasuustaa intii xilka hayay in Khilaaf ba’an uu kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya uu u diiday in ay yimaadaan Magaalada Garowe.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNew.com

Related posts

DAAWO: Cali Khaliif Iyo Faysal War Cusub Ka Sheegay Xaalada Somaliland

Amiin

Mudo Kordhin Loo Sameeyay Wakhtiga Ay Isku Diiwaan Galinayaan Murashaxiinta Maamulka Jubaland

Bnnstaff Bnnstaff

Faarax Macalin Oo Reer Dhagaxbuur Khudbad U Jeediyay ” OROMO IYO SOOMAALI WAA WALALO WAAN KU DHAARANAYAA

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy