Borama News Network
Somali News

Shir Lagaga Hadlayo Colaada Qoomiyadaha Somalida Iyo Oromada Oo Ka Furmayo Magaalada Jigjiga

Magalada jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa la filayaa in Maanta uu ka furmo shir u dhaxeeya Maamulada Magaalooyinka dowlad deegaanka Soomaalida iyo oromada oo mudo sanado ah uu dagaal dhexmarayay.

Shalay ayaa waxaa Magalada Jigjiga gaaray oo lagu soo dhaweeyay Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Oromada Shinmelis Abdisa,waxaana shirkaasi looga hadli doonaa sidii loo dhameyn lahaa Colaada u dhaxeeysa Soomaalida iyo Oromada.

Waxyaabaha ugu weyn ee shirkaasi looga hadli doono ayaa waxaa ka mid noqon doona sidii looga kabsan lahaa dhibaatadii dhexmartay Soomaalida iyo Oromada, cadaadis lagu haayay Soomaalida iyo in labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada ay noqdaan kuwa nabad ku wada noolaada oo is dhexgala.

La-taliyaha dhinaca Saxaafadda ee Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Muxumed Colaad ayaa sheegay in shirkaan uu daba socdo shirkii Bishii Shanaad ee sanadkaan ka dhacay Magalada lnaasileed ee Xarunta Dowlad deegaanka Oromada, isla markaana la rajeynayo in maslaxada labada Shacab laga wada Shaqeeyo.

Soomaalida iyo Oromada ayaa Colaadooda waxaa ay aheyd dhowrkii sano ee la soo dhaafay mid xoogeysatay,waxaana la dilay Boqolaal ruux oo labada dhinac ah, hayeeshee isbedelkii ka dhacay labada Maamul ee Soomaalida iyo Oromada ay bilaabeen wadahadallo xal looga gaarayo dagaaladii dhexmaray.

Xafiiska Wararka BoramNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweynihii Hore ee South Africa”Markii 1991-kii Dagaalka Sokeeye Somalia ka dhacay Waan Ooyay”

Amiin

Xuutiyiinta Oo Weerar Cirka Ah Ku Qaaday Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaala Dalka Sacuidiga

Mustafe Haji

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Rayaale iyo Aragtidisiia Xaalada Bariga Somaliland iyo Jabhada Caare

Mustafe Haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy