Borama News Network
Somali News

Xubno Ka Tirsanaa Ururka Alshabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Xooga Dalka Somaliya

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay deegaanka Yaaq Baraawe ee Gobolka Baay kusoo bandhigeen laba rag ah oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo ay sheegeen inay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka koonfur Galbeed.

Goobta raggaas lagu soo bandhigayay ayaa waxa ku sugnaa Maamulka degmada Diinsoor,saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Dowladda & kuwa maamulka koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale,waxana ragga la soo bandhigay oo gaaraya ilaa laba ay wataan laba Qori oo nooca AK47 ah iyo booshashkooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka koonfur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in raggaasi ay isku soo dhiibeen ciidamada,isla markaana ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kana howlgalayeen deegaanka Buulo fulaay,kuwaas oo lagu kala Magacaabo Maxamed Xasan Cusman & Xuseen Marshaale Maxamed.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in raggasi iyo hubka ay wataan ku wareejin doonaan Wasaaradda Amniga maamulka koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay xubnaha kale ee weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay Ciidamada isku soo dhiibaan.

Si kastaba soo bandhigida xubnaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee Gobolka Baay ay kusoo bandhigeen saraakiisha Ciidamada Maamulka koonfur Galbeed weli dhankooda kama hadlin Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wax Ka Baro Hayeenay Muslimad Ah Misena Madaxwayne Dal Ah Kana Caan Baxday Asturnaanta Iyo Xijaabka + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Doorashada Oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka Jubaland

Mustafe Haji

Deg Deg: wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Oo Lagu Eedeeyay In Uu Lunsaday Lacag Dhan Nus Milyan Dolar

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy