Borama News Network
Somali News

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Duqeeyay Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Gudaha Dalka Sucuudiga

Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay inay Gantaal Balaastik ah saakayto ku duqeeyeen Xeradda Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin meel ku dhow Deegaanka Sukam ee Gobalka Najraan ee Koonfurta dalkaasi.

Telefishinka waxa uu tilmaamay inay Gantaalka Badar F ku duqeeyeen Xeraddaasi, kuna dileen Tobaneeyo Ciiddan Sacuudiyaan iyo kuwo kale.
Dowladda Sacuudiga weli kama aysan hadlin sheegashadaasi, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya arrintaasi.

Maleeshiyadad Xuutiyiinta waxay waayadan dambe Weeraro Gantaalo iyo Daroonis ah ka geysanayeen gudaha dalalka Yemen iyo Sacuudiga, iyadoo Khamiistii la soo dhaafay ay Xuutiyiinta duqeyn la beegsadeen Xero Milliteri oo ku taalla magaalladda Cadan, halkaasi oo ugu yaraan 40 Askari lagu dilay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Xukuumada Madawayne Biixi Oo Shaacisay In Ay Hirgalisay Cashuurta Iibka Ee Korontada Iyo Isgaadhsiinta

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaad Moodaa Qalinka Iyo Sida Loo Kala Sareeyo In Loo Kala Aar Sanaayo” Agaasime Waaxeedyo

Mustafe Haji

DAAWO: Sheekh Caan Ah Oo Shaaciyay In Muqdisho Ay Dadka Ku Laayaan Siyaasiyiin ‘Ganacsato Iyo Dawlada Shisheeye

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy