Borama News Network
Somali News

Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Arimaja Doorashada Maamulka Jubaland Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo

Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa xalay ku hoyday wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr. Maxamed Guyow.

Wafdiga oo muddo saddex Cisho ah ku sugnaan doona Magalada Kismaayo ayaa la filayaa inay kulan la qaataan Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baaralmaanka, Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee is diiwaangeliyey.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyaga oo kala hadli doona qaabka ugu wanaagsan ay ku dhici karto doorashada Jubbaland maadaama tabashooyin ay qabaan inta badan musharixiinta Jubbaland.

Wafdiga ayaa sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Kismaayo waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan habsami u socodka Doorashada Jubbaland, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Kismaayo.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa xilligaan isha ku wada haaya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Beesha Caalamka maadaama la filayo in dabayaaqada Bishan Agoosto ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Xiisad Kasoo Cusboonaatay Sanaag Iyo Rajjo-wacan Oo Uu Mar kale Ka Muujiyey Amniga Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

” Colaada Ceel-Afwayn Waxay Xidhiidh La Leedahay Colaada Ka Tagaan Buuraha Sanaag” Xoghayaha Guud Ee UCID

Mustafe Haji

DAAWO: Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Dawlada Qadar Ku Eedeeyay Dilkii Maareeyihii Dp World Ee Dekeda Boosaaso

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy