Borama News Network
Somali News

Dablay Hubaysan Oo Dil Ka Gaystay Xaafad Ka Mid Ah Xafaadaha Magaalada Muqdisho Iyo Warar Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Rag hubeysan ayaa Goordhow waxaa ay Suuqa Siinaay ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee ah kuwa qaada Cansuurta.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ilaalada sarkaalka inay dhaawaceen mid ka mid ah raggii dilka geystay oo ay gacanta ku hayaan.

Sarkaal la dilay ayaa Wararka waxaa ay intasi ku darayaan in uu ahaa Sarkaalkii Canshuurta ka qaadi jiray Suuqa Siinay, balse Maanta lagu toogtay Suuqaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo haatan halkaasi ka wada howlgallo baaritaano ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Hargaysa Lagu Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Gobolada Galbeedka Awdal Iyo Salal Aar Goosi Siyaasadeed Baa Ku Socda ” Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadii Siilaanyo Oo Afka Furtay + VIDEO

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Suldaan Nadiif Oo Baaq U Diray Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beelaha Habar Jeclo Iyo Habar Yoonis

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy